X

Axmed Madoobe oo banaanbax ka qaban qaabiyay degmada Afmadow iyo ujeedada

Axmed Madoobe ayaa banaanbax ka qaban qaabiyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Afmadow ayaa waxa deganaan jirey qaxootigii Somaliyeed ee ka soo qaxay colaadii 1977, waxana degmo ka dhigtey xukuumadii AUN Siyaad Barre.

Banaanbaxa ayaa waxaa Axmed Madoobe soo saaray dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada sida waxgaradka, Haweenka iyo Ardayda Iskuuladda.


Waxay ku qaylinaayeen Famaajo ha dhaco, iyo dawladu waxay burburinaysaa maamulka Kiiniya ka dambeeyo ee Axmed Madoobe oo hadda boqolkiiba 80 dadka ka shaqeeyaa Kismaayo ay yihiin beeshiisa.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer diidey magacaabis ay dawladu xaq u leedahay markii uu ka soo celiyay Kismaayo oo ciidanka Kiiniya joogaan.


Qaar ka mid ah dadka Banaabax dhigaayay ayaa dhankooda sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka dambeeyo banaabaxyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa u muuqda in aanu lugta gelin Karin gobolka Gedo. Dadka gobolka Gedo ayaa qaba mar haddii Axmed Madoobe bilaabey amar diido inayna habooneyn in wax laga maqlo.


Kooxda maamul goboleedyada oo Cabdiwelli Gaas ku duulo ayaa iyaguna shir ku balamay ka dhaca Kismaayo. Welli maamul goboleedyada kale kama jawaabuin baaqan.

Somaliya ayaa kadhismi la amasr diido ka timaada maamul jufeedyo dawlado shisheeye maamulaan ama dhismahooda dastuur ka dambeeyeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.