X

Jigjiga oo maanta layskugu soo baxay banaanbax iyo waxa keenay: SAWIRO

Jigjiga ayaa maanta layskugu soo baxay banaanbax muddo kadib markii magaalada ay bililiqaysteen tageerayaashii Cabdi Iley oo hadda lagu hubsadey jeel la soo taagi doono maxkamad.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Jigjiga ayaa waxa keenay colad ka jirta tuulada Tulli Guuleed oo weligeed ay isku dilli jireenĀ  Somalida iyo Oromada qaasatan dadka beeralayda.


Waxa dadka badankiisu qabaan in colaadan ay sii hurtey intii Cabdi Iley xukunka hayay qaasatan usbuucadii u dambeeyay. Waxa Jigjiga la keenay meydka Somali isugu jira haween iyo caruur oo la diley.

Tulli Guuleed ayaa weligeed waxa isku dilli jirey labada qabiil ee Somalida ah ee Geriga iyo Jaarsada. Cabdi Iley ayaa Jaarsada ka saaray Somalinimada kadib markey Oromada ehel u doonteen maadaama Cabdi Iley la saftey Geriga.


Waxa welli degaanka Somalida qaasatan dhinaca Jigjiga ka taagan colaad Tigreegii sii hurinayo oo la rabo in la abuuro colaad joogta ah oo u dhaxaysa Somalida iyo Oromada oo runtii hal magaalo oo kaliya isku dagaala.

Madaxa csub ee deegaanka ayaa looga fadhiyaa in xal uu ku soo dabaalo colaada soo jireenka ah ee ka taagan magaalooyinka Jinacsani iyo Tulli Guuleed ee weligeed soo jirtey inta badana ku salaysneyd dhul beereed.


Somalida deegaankaas ayaa qaba in Oromadu soo durugtey hadana taageero ka helayso ciidamada ismaamulka Oromada. Waxa colaad dheer u dhaxaysay weligeed Geriga iyo Jaarsada.

Dadka maanta Jigjiga isugu soo baxay ayaa aad u xumaadey caruurta, haweenka iyo dadka waaweyn ee lagu diley Tulli Guuleed ee la keenay Jigjiga waxayna dalbanayaan in la soo qabto kuwii falkaas fuliyay.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.