Axmed Madoobe ayaa Imaaraadka jooga iyo wararka ka soo baxaya socdaalkiisa uu ku joogo Imaaraadka. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Axmed Madoobe u wakiilatay inuu qabto shirkii Kismaayo ka dhacay ee la isaga horkeenayey dowladda dhexe iyo Maamul jufeedyada. Waxayna howshaas lagu siiyey Mashruuc lacageed oo aad u badan.
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Axmed Madoobe u ballan qaaday inay siin doonto lacago aad u badan haddii uu ku guuleysto inuu isku keeno Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya isla markaasna uu ka dhaadhacsiiyo inay meel uga soo wada jeestaan dowladda dhexe ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Haddaba, Safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriiro inuu soo qaato lacagtii lagu ballan ee aheyd in la siin doono Maamulka Jubba kadib markii uu Maamulkaas ku guuleysto inuu ka hor imaado go’aanka dowladda dhexe sidoo kalana uu isku keenay maamul Goboleedyada Kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay