Hogaamiyaha mamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa inqilaab hoose ku sameeyay maamulkiisa ka dhisan Kismaayo isagoo hogamiye beesha Sade ah oo muddo soo hoyay xukunka beesha ku bedelay jeneraal Fartaag oo soo hayay laba sanno iyo bar.
Jeneraakl Fartaag ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka laga qaaday sheegayna in uu guul u rajaynayo siyaasiga bedelay ee Maxamuud Sayid Aadan o ah rug cadaa muddo joogey gobolka Gedo.
Wuxuu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka cusub ee lagu badalay Maxamuud Sayid Aadan, isagoo sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono maadaama muddo badan uu xilkaasi soo hayay.
Fartaag, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka cusub ee la magacaabay iney qeyb ka tahay qorshaha dib u hishiisiinta ee ka socdo deegaanada maamulka Jubbaland ee lagu dhex dhexaadinayo beelaha kala duwan ee Jubbooyinka iyo Gedo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay