X

Axmed Madoobe oo Kismaayo ka abaabulay banaanbax xilli Kiiniya jawaab bixisay: SAWIRO

Horjooge Axmed Madoobe oo Kismaayo isku doortey mar sadexaad ayaa maanta banaanbax ka qaban qaabiyay magaalada looga soo horjeedo dawlada dhexe iyo kuwa kale ee Kismaayo iyaguna isku doortey. Dadka soo baxay ayaa ku qaylinaayay ma rabno dhuuni qaate oo ay ula jeedaan xildhibaanada isku doortey Kismaayo.


Dhinaca kale Kiiniya oo aad uga xanaaqdey amarkii Ka soo baxay dawlada dhexe ee ahaa in diyaaradii ku socota ama Ka duuleysa Kismaayo ay Muqdisho soo marto ayaa uga jawaabtey in muwaadiniinta Somaliyeed ee tagaya Kiiniya lagu siin doono fiiisaha Nayroobi marka si xun loogu soo baaro Wajeer.


Kiiniya ayaa ku fashilantey inay cunaqabatayn saarto ummada Somaliyeed ee ku hoos nool argagixisada Wahaabiyada kadib markii looga adkaadey qaraarkii qaramada midoobey.

Somaliya oo taagdaran hadda ayaa loo diidan yahay inay yeeshaan ciidan ay ku difaacdo dadkeeda iyo dalkeeda. Waxana ugu horeeya labada wadan ee jaarka iyo Ingiriiska.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.