X

Axmed Madoobe oo ku gacan saydhey war quseeya doorashada

Horjoogaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa diidey war ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha oo quseeya doorashada la filayo inay Jubbaland ka dhacdo dhawaan. Musharixiinta madaxtinimada Kismaayo ayaa ka muujiyay amniga iyo xulista xildhibaanada maamulkan aan shaqayn.


Warka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ayaa lagu sheegay in wasaaradu hogaanka u qaban doonto doorashadaas ayadoo weliba sheegtay goobta lagu qabanayo iyo ajaanib goobjoog ka noqon doonta.

Axmed Madoobe oo ka jawaabay warka wasaarada arimahagudaha ka soo baxay ayuu ku sheegay in waxkasta Jubbaland qabsan doonto ayna u taalo Jubbaland sida loo xulayo xildhibaanada.


“Wuxuu ku cawday in dawlada dhexe farogelin ku hayso maamulkiisa oo inta badan Kiiniya hoostaga. Dhawaan ayay ahayd matkii horjoogihii Galmudug iska dhiibey Muqdisho markii uu talada doorashada wasaarada arimaha gudaga maadaama uuna qaban karin mid xalaala.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.