X

Itoobiyaankii labaad oo Iswidhan ku galay dhuumasho diyaaradeed

Dhawaan ayay ahayd markii nin loo malaynayo inuu Kiiniya ka soo jeeda uu ka soo dhacay diyaaradii uu ku soo dhuuntey isagoo barafoobayna ku dhacay guri ku yaal London. Hadaba booliiska dalkaasi Iswidhan ayaa qabtey nin Itoobiyaana oo diyaarada ku soo dhuuntey.


Ninkaan oo 27 jir ah ayaa waxa qabtey shaqaalaha boorsooyinka ka dejiya diyaarada xilliga hawshooda ay ku jireen. Ninkan oo daal ka muuqdo ayaa shaqaaluhu wargeliyeen booliiska madaarka.

Booliiska oo baadhid bilaabay ayaa sheegay in ninkaan ayna ka muuqan wax dhibaata ah una baahneyn daaweyn. Wuxuu isla markiiba weydiistey magangelyo.


Booliiska madaarka caasimada Iswidhan ayaa sheegay in ninkani yahay kii labaad ee ku soo dhuunta qaybta boorsooyinka halka ninkii Ingiriiska ku soo dhacay uu ku dhuuntey dhinaca taayirku galo.

Ninka hore ee Itoobiyaanka ee bishii sideedaad ee sanadkii hore sidan oo kale ku soo dhuuntey ayaa isagu watey kaadhkii aqoonsiga ee uu kaga shaqaynaayay madaarka Addis ababa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.