22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Axmed Madoobe oo maanta is doortey afar sano iyadoo hore loo kala direy barlamaankaas

Wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe mardhow is doortey afar sano oo kale iyadoo barlamaanka la sheegay in uu wax doortey lakala direy lasba bilood ka hor. Doorashadan ayaa ka dhigeysa jaantey wadhan iyadoo aanay jirin cid laga amar qaato. Lama oga mishaharka uu qaato Axmed Madoobe oo ku yimi dabada ciidamada Kiiniya.

Codeyn ay sameeyeen barlamaankii la kala direy  ayaa noqotay mid lagu doortay hal musharax oo ah Axmed Madoobe maadaama kuwa kale ay ahaayeen maqaar saar iyadoo musharixiin ka soo qaybgeli lahayd ay ka joogeen inta la dhisayo barlamaan matala shacabkoo dhan.

Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe ayaa wuxuu Helay codad dhan 68 cod, waxaa Sidoo kale  laba cod kala helay Mushariintii kale ee la Tar-tamayey.

Lama oga in ay jirto cid ictiraafsan iyadoo Xasan Sheekh ku mashquulsan yahay in uu kursiga ka difaacdo rag doonaya in ay dalka ka qabtaan laakiin aan lahayn tayo hogaamin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM