X

Axmed Madoobe oo ogolaaday in barlamaanka Jubba dadka deegaanka dib loogu soo daro: Warsaxaafadeed

Kadib kulan saacado qaatay waxa hogaamiyaha maamulka Jubba ogolaaday in dadka deegaanka gobolada Jubada Hoose iyo Jubada dhexe dib loogu fidiyo barlamaanka Jubba. Bil kahor ayay ahayd markii barlamaanka Somaliya ku tilmaamay waxba kama jiraan barlamaanka Jubba ee Axmed Madoobe doortey. Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska raiisal wasaaraha ayaa sidan u qornaa.

Wadahadalo saacado qaatay kadib, ayaa laga soo saaray qodobada hoos ku xusan.

  1. Maamulka Jubba waxa uu ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha Baabrlamaanka Jubba, laguna kordhiyo inta loo arko inay ka maqantahay
  2. In guddigii ay DF dhistay ee uu madaxda u ahaa Wasiirka A. Gudaha ay Kismaayo tagaan, dib u eegisna sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey qodobada is afgaradkaan, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u furmay beelaha ku dhaqan goboladan, maadaama ay hogaanka maamulka Jubba tanaasul muujiyeen ayna ogolaadeen in ay xaliyaan cabashada shacabka, isaga oo xusay in arrinkani uu horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumada Federaalka ay taageero dhankastaba leh ka geysaneyso dhaqangelinta is afgaradkan, iyo meel marintiisaba, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabagelinta geeddi socodka 2016.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisii ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib heshiiskan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dhaqangelinta qodobada ku xusan heshiiskan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.