X

Axmed Madoobe oo sheegay cida Carabta ee uu la safan yahay

Axmed Madoobe ayaa sheegay cida Carabta ee uu la safan yahay. Mar uu saxaafada la hadlayay ayuu ka qayliyay xildhibaano Baardheere ka degay.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in Maamulkiisa uu la safan yahay Imaaraadka Carabta, wuxuuna ku dhaliilay qaabka ay ula dhaqantay Imaaraadka, hadana loo baahan yahay in ay dib uga laabato go’aankeeda.



“Arrinta khaliijka Dowladdu dariiq sax ah kuma ahan waxa ay ku dhaqmeyso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga hadii aynu nahay Jubbaland, Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka nooga wacan.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.



Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya uu kala soo hadlay sidii xoriyadiisa uu dib ugu heli lahaa Sarkaalka ONLF, C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), wuxuuna tilmaamay xaalada Qalbi-dhagax in ay tahay mid wanaagsan oo aanay jirin wax dhib ah oo heysta.

C/llaahi Warmooge

ARAABIONEWS

admin:

This website uses cookies.