Kismaayo–Hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa eed dusha uga tuurey dawlada dhexe sheegayna in balamo badan looga baxay hadana lacag u haynin uu ku dhisi barlamaanka Jubba oo laga soo xulayo Jufooyinka wada dega gobolka oo aan wali heshiisinin. Waad ogtihiin waxa na haysa lacag balamo badana waa nalooga baxay ayuu yiri Axmed Madoobe.
Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in Madaxweyne Xassan iyo Xubno Wasiiro ah ay isla meeldhigeen in wax laga qaban doono dhaqaalo la’aanta taagan xili ay socdaan kulamo leysugu soo dhaweynaayo Beelaha Kismaayo wada daga hayeeshee looga baxay balamihii uu la galay.
Dhinaca kale, Ergooyinka ayaa waxa uu ku sabarsiiyay inay muujiyaan dulqaad, islamarkaana uu Maamulka dareensan yahay inay jiraan dhaliilo dhanka miisaaniyada ah, balse ay wax ka qaban doonaan ka hor inta aysan dib ugu laaban Goboladii ay kasoo kala safreen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay