X

Axmed Madoobe qalad ayuu ka fahmey dib u heshiisiinta: danjiraha Afrika

Danjiraha midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Madeira ayaa kabaha la dulmaray horjoogihii hore ee maamulka Jubba Axmed Madoobe oo dhawaan sheegay inuu la heshiiyay wuxuu ku tilmaamay mucaarad.


”Axmed Madoobe rag jufadiisa ah ayuu Kiiniya kula heshiiyay laakiin ma dhicin dib u heshiisiin dhaba oo ay ku jiraan mucaaradku ayuu yiri danjire Fransisco.

Hadalkan ka soo yeeray danjiraha midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ayaa ka duwan kuwa ka soo yeedhay kooxda beesha caalamka sheegata oo laba wajiileyn kaga jawaabtey.


Si kastaba ha ahaatee ila Kiiniya dalka laga saaro uma malaynayo in dib u heshiisiin dhaba ka dhacayso dalka. Hadda dalku wuxuu ku jiraa in sadex geesood la goostey.


Waa Kiiniya Kismaayo goosatey, Butlaan oo iska fogeynaysa dawlada dhexe laakiin aan ku dhicin inay goostaan iyo Somalilaan (beesha dhexe) oo hadda lagu kala tagey sheekada goosadka laakiin haddana Ingiriis dabada ku wato ayuu yiri Cali Calasow

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.