X

Ayax ku habsaday diyaarad Itoobiya leedahay oo ka soo duushey Jabuuti: SAWIRO

Diyaarad ay Itobiya leedahay ka soo duushey oo ku socotey Diridhaba ayaa waxa ku habsaday Ayax farabadan oo ka galay diyaarada meelkasta. Bayloodka ayaa sheegay in raxanta hore uu ka badbaaday laakiin wax yar kadib ay ku dhex dhaceen guuto kale oo Ayaxa oo xataa aan waxba ka arki kari weynay.


Ayaxa oo inta badan dilaaca xilliyada bilaha barwaaqada ah ee Oktoobar iyo Noofembar oo la helo roobka uGu badan ayaa sanadkan aad u farabadnaa maadaama RABI shubey nimcadiisa.


ā€¯Waxaan baajinay tiraba laba jeer inaan ku degto halkii aan u soconay oo ahayd Diridhaba laakiin Ayaxa oo farabadnaa oo meelkasta ka galay diyaarad aan degi kari weyno kadibna aan diyaarada u leexino caasimada ayay yiraaheen bayloodkii waday.


Sawirada hoose ayaa muuijnaya in diyaaradu waxba ka arkeyn horteeda iyo weliba motoorka diyaarada oo uu galay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.