X

Madaxweyne Farmaajo oo aaska Suldaankii Cumaan kadib la kulmey suldaanka cusub: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya ayaa la kulmey suldaanka cusub ee Cumaan kadib aaska Suldaankii hore ee dalkaasi Suldaan Qaabuus oo kursiga fadhiyay muddo 50 sano ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmey qaar ka mida madaxda ka qayb gashay aaska iyo weliba jaaliyada kooban ee Somalida ee joogta dalkaasi.


Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey Suldaanka cusub ee dalkaas Suldaan Xaytam Binu Daariq in uu sii amba-qaado dhaxalkii horumarineed ee uu ka tagay Suldaanka geeriyooday, isagoona sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya walaalahooda dalka Cumaan.


Xiriirka Somalida iyo Cumaan ayaa ahaa mid qotodheer ayadoo oo soo jireena.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.