Baasaboor Somaliga miyaa laga joojiyay Puntland. Baasaboorka laga qaato Puntland ayaa waxa ku xiran malaayiin qof oo ku nool gobolada Woqooyi oo maamulka halkaasi ka xanibey.
Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay iney joojisay Baasaboorka ay ka bixineysay Xafiiska magaalada Garoowe ee Puntland.
Madaxda hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegtay in hay’adda oo markii hore deganeyd guri kiro ah oo gaar loo leeyahay ay hadda xarun weyn ka dhisatay magaalada Garoowe.
Hay’addu waxay mar kale ku wargalineysaa bulshada ku xiran adeegga xaruntaan in ay adeegga bixinta baasaboorku dib uga bilaaban doonto xarunta cusub maalinta beri ah oo ay tariikhdu tahay 13/03/2018
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay