X

Baasaboorka Somaliland waa kaar aqoonsi: safiirka Turkiga ee Somaliya: SAWIRO/DAAWO

Safiirka Turkiga Olgan Bekar oo shir jaraaid ku qabtey safaarada weyn ee dalkiisu ku leeyahay caasdimada Somaliya ayaa sheegay in dawladiisa wax aqoonsi ah siin Baasaboorka Somaliland balse ay u yaqaanaan kaar aqoonsi (ID).

Danjire Bekar ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin Soomaaliya iney tahay hal oo aysan jirin wax kala gaar ah, wuxuuse shirkiisa jaraa’id ku cadeeyay in Turkigu weli wado wada hadalka dawlada Somaliya iyo maamulka Somaliland.

Turkiga ayaa horey u martigeliyay kulano noocaasa oo inta badan dawlada Xasan Sheekh ka ogolaatey codsiga maamulka Somaliland ee ah in laysku arko meel kale si saxaafada aduunku uga hadasho.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id lagu waydiiyay su’aalo la xiriira Hay’adda Deva oo dalka Turki laga leeyahay isla markaasna dhowaan dowladda Somaliya dalka ka eridey siday noqon karto shaqooyinkii ay wadeen oo ay ka mid ahaayeen waxbarashada iyo caafimaadka.

Safiir Bekar ayaa sheegay in howlaha caafimaad iyo waxbarasho ee Hay’addaasi dowladdu la wareegtay dhowaana ay sidoodii hore u shaqayn doonaan.

Danjire Oglan Bekar ayaa sidoo kale war bixin guud ka bixiyay xaalada dalkiisa iyo sida dowladda Federaalka iyo shicibkooda u muujiyeen Afgambigii dhicisoomey ee dalkaasi lala damacsanaa, waxa kale uu tilmaamay inay mar kasta ka go’an tahay la shaqanta shacabka iyo dowladooda.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.