X

Waa maxay sababta Xasan Sheekh Muqdisho uga joojiyay shirarka siyaasadeed

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar buuxa ku bixiyey in aan la qaban karin shirar looga hadlayo arrimaha Siyaasadeed ee dalka, iyadoo xiligan si weyn dhinacyada Siyaasadu u qabsanayaan shirar ay ku doonayaan in ay isku muujiyaan.

Amarka joojinta ah oo ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sababeeyey in sababo amni awgood ay arrintani u dhacday, laakiin taasi waxaa si weyn uga hor yimid dhinacyada Siyaasada.

Musharaxiin u taagan Madaxweyne-nimada Soomaalida iyo kuwa tartan adag ugu jira Xildhibaano, waxa ayna badankooda ka soo horjeedaan Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiin badan ayaa diidan nidaamka hadda lagu wado hanaanka Siyaasadda ee taagan, waxayna sheegeen in xanibaad culus lagu hayo meelmarinta nidaamka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare Sharmaake ayaa dhawaan sheegay in ay xooga saarayaan sidii loo meelmarin lahaa hanaanka Asxaabta badan, kaas oo hadda horyaala baarlamaanka Soomaaliya, aysana jirin wax laysku raacay oo ku saleysan qorshahaas.

Soomaaliya ayaa u diyaar garoobeysa doorashada la filayo in ay ka qabsoonto sanadkan gudihiisa, iyadoo ay musharaxiin badan u taagan yihiin qabashada xilkan, haddana uu socdo tartan adag oo siyaasadeed oo uu dhinac kasta doonayo in ay dantiisu hirgasho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.