Badhanka nukliyeerka miiskeyga ayuu saaran yahay wa hadalkii hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo ka hadlay munaasabada sanadka cusub.
Woqooyiga Kuuriya waxa markasta u hanjaba Maraykanka oo haysta hubka nukliyeerka, hadase waxa cad in Woqooyiga Kuuriya ay dhulka la simi doonto haddii Maraykanku talaabo qaado.
Inkastoo Maraykanku haysto hub aad u farabadan oo gaaraya ilaa 5000 oo xabo waxase Woqooyiga Kuuriya awood u leedahay hadda inay caasimada Maraykanka iyo magaalooyinka kale ee waaweyn at dhulka la sinto.
Trump oo ka jawaabay hadalka hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya ayaa yiri ”waan arki doonaa mase sheegin talaabo uu qaadi doono”.
Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegay in aan marnaba Maraykanku dagaal bilaabi Karin oo ay awoodaan inay jawaab kulul ka bixiyaan.
Wuxuuse qirtey in hubku ku yaryahay qaasatan gantaalada qaada hubka nukliyeerka taas oo fadeexad ku noqotey una bandhigey cadowgiisa in gantaaladu ku yaryihiin.
Wuxuuse dhinaca kale gacan wadahadal u furey Koofurta Kuuriya oo Maraykanku wato.
Waxana hadalkiisa aad u soo dhaweeyay Kuuriyada Koofureed oo aan rabin in dagaal ka dhaco gobolka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS