X

Badhasaabka Ciise iyo maayer is magacaabay oo Saylac ka sheegay in ay rideen maayerkii Saylac

Badhasaabka Ciise iyo maayer is magacaabay oo Saylac ka sheegay in ay rideen maayerkii Saylac. Ciisaha Jabuuti ayaan ka seexan maayerka Saylac ee Samaroon.

Ciisaha ayaa kuraas saaida ku leh barlamaanka Somaliya oo ay ku heleen shirarkii Carta ee Ismaaciil Cumar Geelle qaban qaabiyay ayadoo kuraastaasi yihiin kuwii Samaroonka.



Waxay ka gubteen guushii Samaroon ka keenay doorashadii u dambeysay taas oo burburisey rajada sheegashada Saylac ayadoo Siilaanyo u eexday oo siiyay badhasaabnimada.



Xildhibanada Samaroon oo majoorati ayaa u muuqda kuwa la iibsadey ayadoo Ciisduhu ku tilmaameen in sidani tahay ta saxda si ay ugu doodaan in ay gobolka ka yihiin dad la tirsan karo.



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.