X

Sidaad beelaha darifyada ula dhaqataan ayaa mustaqbalkiinu ku xiran yahay ISAAQOW: TUUR

Sidaad beelaha darifyada ula dhaqataan ayaa mustaqbalkiinu ku xiran yahay ISAAQOW. Waa waraysi uu bixiyay gudoomiyihii SNM ahaana madaxweynihii Somaliland C/raxmaan Tuur.

Waraysigan ayaa dhacay 1993 labo sano kadib burburkii dawladii Somaliya dalkuna u gacan galay maangaabyadii ururadii reer gabeedka iyo dalalka jaarku lacagta iyo hubka sii jireen.


C/raxmaan Tuur oo la waydiiyay mustaqbalka beelaha darifyada oo xilligaa heshiisiiyay ISAAQII iscunka isku bilaabay iyo bililiqadii lagula kacay hantidii qaranku lahaa ayuu sheegay in Mustaqbalka ISAAQ ku xiran yahay sidey beelaha darifyada ula macaamilaan.

ISAAQ ayaa weerar ku soo qaaday gobolka Awdal ayagoo wata taangiyadii Itoobiya waxyar kadib markii dawladii dhacdey, waxayna ahayd xilli uu socdey dal burburin.

Dagaalkaa Itoobiya iyo SNM soo wada qaadeen ayaa waxay ku xasuuqeen ku dhawaad in ka badan kun qof oo Samaroonku iska dhaafeen in ay soo faqaan gaalana tusaan.


C/raxmaan Tuur ayaa dareensanaa in rajada ISAAQ ku xirneyd beelaha darifyada qaasatan Samaroon oo iyagu go’aansadey in ay nabad la qaataan ISAAQ oo Mingeste dabada ka wadey hub badana siiyay.

Hadalkaa C/raxmaan Tuur ayaa dhaba ilaa hadda maadaama qayb ka mida ISAAQ wali wadaan gooni goosad ayna u baahan yihiin beelaha darifyada si caalamka looga iibiyo inkastoo hadda ay gacanta ku sitaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.