20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Bajaajleyda aan u hadleynaa waa bambo-tuurayaal: Xildhibaan C/raxmaan Ibbi

XildhibaanC/raxman Ibbi ayaa qarxiyay in bajaajleyda Xamar ka shaqeeya ay yihiin bambo-tuurayaal hore u diley sadex askari oo u adeegaayay shacabka. Qarxinta xildhibaanka ayaa imaanaysa ayadoo tirada ay toogteen askarta jiida hore ku jiraa ay gaarayaan ilaa 4 oo intooda badan gala xad-gudubyo sida inay diidaan amarka.



C/raxmaan Ibbi oo ka hadlayay kulanka dooda amniga ee xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka loo geysto Darawalada bajaajta ee Muqdisho ka dhaca, laakiin darawalada mararka qaar ay bambooyin ku tuuraan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.



”Bajaajleyda aan u doodeyno Waa Bambo tuur oo waxaa la hayaa saddex Bajaaj oo Askarta Bombooyin ku tuuray”, ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi).
Hadalka Xildhibaan Ibi ayaa dhaliyay qeylo dhaan iyo in lagu buuqo, isagoo markaas kadib si toos ah u weerarray xildhibaanadii ku qeyliyey kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday darawaladda Mooto Bajaajka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS