X

Bakistaan oo hawadeeda u diidey madaxweynaha Hindiya iyo halka uu marayo

Madaxweynaha Hindiya oo u socda dalkaasi jasiirada ee Ayslaan aya Bakistaan u diidey inuu hawadooda dulmaro. Waxana warkaas xaqiijay wasiirka arimaha dibedda ee dalkaasi.


Madaxweynaha Hindiya ayay ku qasbaysaa inuu qardajeexo badda Hindiya dibna ugu soo noqdo khadka Iiraan taas oo ah masaafo xoogan oo u baahan shidaal aad u farabadan.

Talaabada Bakistaan ayaa timi xilli dadka ku nool gobolka Kashmiir ay ku jiraan bishii labaad bandoo iyo kufsi joogta oo lagu hayo dadka gobolkaas.


Sanam caabudka weyn ee Hindiya hadda ka taliya ee argagixisada ayaa raba inuu xoog ku muquuniyo Muslimiinta gobolkana ka dhigo mid Hunuuda sanam, sac iyo cadceed caabudku degaan.

Bakistaan ayaa diidey inkastoo ay yartahay waxa ay ka qaban karto maadaama labaduba haystaan hubka nukliyeerka. Bakistaan ayay ku qasabtey inay golaha gaaladu ka taliyaan ee qaramada midoobey ka canbaareyso Hindiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.