X

Bam gacmeed lagu weeraray guri shacaba oo ku yaal Muqdisho

Bam gacmeed lagu weeraray guri shacab oo ku yaal Muqdisho. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay inuu khasaare ka dhashay. Weerarada noocana ayaa waxa fuliyay argagixisada oo shilimaad siiya dhalinyar.

Dadka jaarka ayaa sheegay in laba ruux ay ku dhaawacmeen Bamkaasi, kuwaasi oo ahaa Gabdho ku sugnaa afaafka hore ee guriga la weeraray.



Gabdhaha ku dhaawacmay Bam gacmeedka, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fa’isa Axmed iyo Fahma Cabdulle, kuwaasi oo la geeyay dhaawacooda isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Guriga Bambada lagu tuuray ayaa wuxuu ku dhaw yahay Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.



Sidoo kale isla xalay waxaa Bam gacmeed lagu weeraray ciidanka NISA ee degan Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan, iyadoo dhawaqa Bambada si wayn looga maqlay xaafadaha ku dhaw goobta ciidanka ku sugnaayeen.

Ilaa hadda ma jiro cid loo soo qabtey weerarkan argagixiso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.