Bam gacmeed lagu weeraray guri shacaba oo ku yaal Muqdisho
Bam gacmeed lagu weeraray guri shacab oo ku yaal Muqdisho. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay inuu khasaare ka dhashay. Weerarada noocana ayaa waxa fuliyay argagixisada oo shilimaad siiya dhalinyar.
Dadka jaarka ayaa sheegay in laba ruux ay ku dhaawacmeen Bamkaasi, kuwaasi oo ahaa Gabdho ku sugnaa afaafka hore ee guriga la weeraray.
Gabdhaha ku dhaawacmay Bam gacmeedka, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fa’isa Axmed iyo Fahma Cabdulle, kuwaasi oo la geeyay dhaawacooda isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Guriga Bambada lagu tuuray ayaa wuxuu ku dhaw yahay Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale isla xalay waxaa Bam gacmeed lagu weeraray ciidanka NISA ee degan Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan, iyadoo dhawaqa Bambada si wayn looga maqlay xaafadaha ku dhaw goobta ciidanka ku sugnaayeen.
Ilaa hadda ma jiro cid loo soo qabtey weerarkan argagixiso.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...
April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...
April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...
April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...
April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...
February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...
December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...
December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...
November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...
November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...
November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...
November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...