Banaanbax xoogan ayaa ka socda Muqdisho oo ay soo qaban qaabiyay culimada Koofurta Somaliya. Caalamka Islaamka ayaa aad uga xanaaqay weerarkii argagixisadu ku qaaday masjidka rasuulkeena csw.
Culimada Koofurta Somaliya ayaa banaanbaxan oo aad u balaadhan ka diyaariyay magaalada Muqdisho iyagoo ku muujinaya sida ay uga xunyihiin weerarkii argagixisadu ka fulisey masjidka rasuulkeena.
Banaan baxa ay ka qeyb galayaan Culumaa’udiin , Masuuliyiin iyo dadweyne aad u badan oo ka kala yimid Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka bilowday barxada Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu canbaareenayaa Banaan baxan weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel ku dhaw Masjidka Nabawiga ee Magaalada barakaysan ee Madiina, waxaana banaan baxan soo abaabulay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.










C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay