20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Banaanbaxyo Iska soo horjeeda oo Muqdisho ka dhacay

Waxa maanta Muqdisho ka dhacay  banaanbaxyo Iska soo horjeeda oo labaduba salka ku haya maqaamka magaalada marka loo fiiriyo nidaamka gaalada ee federaalka ee dalka sanka looga geliyay.



Banaanbax koobnaa oo ay soo abaabuleen siyaasiyiin nidaam qabaliya wax ku raadinaya oo Raba in caasimada loo xiro jufadooda keliya ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha oo isagu ku dhashay Muqdisho uu qalad yahay, Muqdishana uu wax ku lahayn.

Halka banaanbaxyada kale oo aad u weynaa iyaguna raali ka yihiin hadalka madaxweynaha ee matalaada dhabta ah ee caasimad u qalanto. Matalaadaas oo aan ku dhisneyn qabiil laakiin Ka dhigeysa Muqdisho mid caasimad u ah dadkoo dhan.



“Marnaba ma dhici karto in caasimada loo xiro jufo gaara ayadoo ay tahay magaalo Somali oo dhan Ka dhaxaysa oo wada dhisteen ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS