X

Banaanbaxyo ka dhacay Gaalkacyo iyo waxa sababay: SAWIRO

Banaanbaxyo ka dhacay Gaalkacyo . wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda.


Haween iyo dhalinyaro careysan ayaa saakay xiray isku socodka bartamaha Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo wadada ku gubay taayaro saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gadiidka.

Haweenka iyo dhalinyarada ayaa ka soo horjeeda sida ay hadalka u dhigeen dil toogasho oo ay sheegeen in maxkamad ku taall Puntland ay ku xukuntay Cabdirasaaq xuseen Tahliil oo horay ciidamo ay kala baxen hoy uu ka daganaa Gaalkacyo.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.