X

Dilka haweenay Somali ah oo aad looga carooday

Dilka haweenay Somali ah ayaa aad looga carooday. Haweenaydan ayaa waxa diley ciidanka Kiiniya oo hore u kufsadey haween Somali ah loogana daba tagin. Wararka ka imaanaya Kiiniya ayaa sheegaya in askartu rasaas ku fureen.


Ciidanka dilka gaystey ayaa ku marmarsiyoodey in haweenayda ay u baaqeen laakiin ay ka diidey inay istaagto sidaana ku dileen.

Haweenayda oo og in waxyeelo loo gaysanaayo ayaa dhici karta inayna u istaagin maleeshiyada ciidanka Kiiniya.


Waxa falkan aad uga xumaadey dadka degan deegaan hoostaga Mandheera oo dilkan foosha xun ka dhacay.

Maaha markii ugu horeysay ee Kiiniyanku daadiyaan dhiiga dadkeena. Haweenayda ay dileen ayaa lagu magacaabi jirtey Cabdiya Cumar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.