18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Bangaladhesh oo beenisay inay xiriir la samaysanayso Yuhuuda kadib markii

Dalkaasi fiqiirka ah ee Bangaladheesh ayaa beeniyay inay wax iska bedeleen mowqifkoodii hore ee ahaa inaan Yuhuuda xiriir lala samaysan ilaa inta ay ka baxayaan dhulka Falastiin. Yuhuuda oo Maraykanku taageeraayay xilligii Ingiriisku soo dejiyay dhulka reer Falastiin ayaana ay jirin wadan Muslina oo ictiraafa.



Warkan ayaa yimi markii Baasaboorka cusub ee Bangaladheesh laga saaray erayga a ”laguma geli karo Yuhuda” oo u ku qornaa baasaboorkii hore. Waxa warkan bartiisa baraha bulshada ku qorey ninka Yuhuda u qaabilsan Eeshiya.

”Ma jirto wax iska bedelay siyaasada guud ee Bangaladheesh ee ku saabsan Yuhuuda ee keliya waxaan la simaynay baasaboorka sida kuwa caalamka.



”Marna ka leexan mayno wadada aan hore u qaadney waxaanan qabnaa in Yuhuudu ka baxdo dhulka Falastiin si loo helo dawlad Falastiina oo caasimadeedu tahay Qudus ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibedda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS