X

Bangi Somaliya ka cafiyay deyn uu ku lahaa

Wasiirka maaliyada Somaliya Dr C/raxmaan Beyle oo aad loogu amaanay kaalinta weyn ee uu ka qaatey sidii dalka looga cafin lahaa deynta ayaa xaqiijay in bangiga horumarinta Afrika ay ka cafiyeen qaybtii ay ku lahaayeen dalka.


“Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray”


“Warbixinta BANGIGA waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” ayuu raaciyay wasiir Beyle


“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah Ingiriiska iyo midowga Yurub oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu yiri Wasiir DR C/raxmaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.