X

Wasaarada caafimaadka oo fariin u dirtey Somalida safraysa

Wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe ayaa fariin u dirtey Somalida isku diyaarinaysa inay safar aadaan xilli aduunka uu hareeyay hargabka Koora oo haatan ku faafaya wadamada bariga Afrika.


Marwa Foosiya Abiikar oo fariin kooban soo saartey ayay ku shegtay inay muhiim tahay in la fuliyo si
dalka uu uga caaganaanta cudurka Koora.


Fariintan ayaa u qorneyd sidan:

In aan loo safrin wadamada uu ka dilaacay cudurkan Koora.

Inay masuuliyad iska saaraan hadday u safreen soona noqdeen inay wargeliyaan wasaarada caafimaadka si ay isku takooraan muddo 14 cisho ah.

Inay dib u dhigaan safarada gudaha haddiiba ay isku arkaan calaamadaha hargabka ee duuf, cuna xanuun, qandho iyo qufac waxay doonaanba ha ahaadeene.

Inay soo maraan goobaha caafimaadka ee dalka laga soo galo si loo baadho.

Laga fogaado qof qaba calaamadaha hargabka la iskana ilaaliyo gacan qaadka laguna bedelo salaamu calaykum.

In nadaafada guud la ilaaliyo markasta oo aad taabato meel aad iska dhaqdo gacmaha.

Waxa idiin soo koobay C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.