Bangiga aduunka ayaa dawlada Ismaaciil Cumar Geelle ka caawinayo dhismaha wadooyin muhiima oo ay ku jirto balaadhinta wadooyinka isku xidha Jabuuti iyo wadamada ay jaarka la tahay.
Bangiga aduunka ayaa dhisaya wadada isku xidha Boorama ilaa Saylac oo hadda la sheegayo inuu soo dhamaaday sahamintii oo keliya ay dhiman tahay in la bilaabo. Maamulka Muuse Biixi ayaa lagu eedaynayaa inuu si aada isugu dayayo inuu joojiyo wadadaas uuna bedelo mid xeebta ah.
”Lacagta loo qoondeeyay dib u dhiska isku xidhka dalalka la jaarka la ah Jabuuti ayaa ah 70 milyan oo doolar oo ay ku jirto balaadhinta wadada Jabuuti iyo Addis ababa iyo wadooyinka taga dalkaasi Eritariya.
Waxa kale oo jiri doona dayactir lagu sameeyo wadooyinka ka baxa Jabuuti ee aada gobolada dalka. Ismaaciil Cumar Geelle oo kursiga ku fadhiyay muddo dheer ayaan Jabuuti gaarsiin wax horumara.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS