Waxa magaalada Beledweyne ka bilowday ay bilaabeen dadka degan xaafado ka mida magaalada. Xaafadahan ayaa sanadkii hore laga barakacay kadib markii webigu ku soo fatahayy. Gawaadhida oo buuxa saamaanta dadka ayaa la arkay.
Dadka barakacay oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xaafadaha ay ka yimaadeen ee ay ku jirto laanta dhagax jibis in meelaha qaar Wabiga uu aad u biyo keenay, isla markaana ay soo korodhey cabsi saa’ida.
Shalay ayaa dawladda dhexe ee Soomaaliya ay u dirtay Wafdi Wasiiro ah kuwaas oo durba bilaabay qorshe looga hortagayo in waxyeelo ka soo gaarto dadka.
Dadka barakacay ayaa aaday dhinaca deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka magaalada Beledweyne, waxaana laga soo sheegayaa in halkaasi durba dhooqo yeelatay ayna jirina arimaha aasaasiga ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS