X

Barlamaanka Maraykanka oo cabsi awgeed codsaday in askartu sii joogaan

Xarunta barlamaanka Maraykanka oo ay sanadkan horaantiisa la wareegeen muddo kooban xagjiro taageersan Taram ayaa codsaday in ilaalada askarta ah ee hadda jooga loo kordhiyo. Askartan ayaa yimi shalay ayadoo xildhibaanadu aamini waayeen amnigooda.


Waxa askarta joogisteeda la kordhiyay laba bilood inta la fiirinayo xaalada amni ee barlamaanka iyo guryaha ku xeeran oo ay ku jiraan aqalka uu degan yahay madaxweynaha.

Maraykanka oo sheegta faafiyana waxa loogu magacaabo dimoqraadi ayaa biyuhu ugu soo galeen gurigiisa, wuxuna hadda ka mid yahay wadamada ugu amniga xun uguna cadaalada xun ayadoo dadka qaar booliiska dalkaasi toogtaan kadibna yiraahaan hala baaro.


Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inay ka xun yihiin go’aanka ilaalada askarta loogu kordhiyay, ayna qaali tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.