X

Naftood haligeyaal gaaraya 75 oo lagu la’yahay badda u dhaxaysa Yaman iyo Jabuuti

Sida ay sheegtay ururka soo galootiga waxa al la’yahay doon ay saarnaayeen Somali iyo Itoobiyaan ku sii jeeday Yaman kadibna uga sii gudbayay Sacuudiga in 80 ka mida badda lagu tuurey. Waxa la soo badbaadiyay keliya 5 qof halka 75-ta kale la la’yahay.


Naftood haligeyaasha ayaa fuula doomo aan loo talogelin inay badda maraan taas oo keenta dhimasho aan loo baahneyn ayuu yiri mid ka mida hay’addda soo galootiga.

Doontan ayaa ka baxday Jabuuti oo hadda noqotey khadka cusub ee looga tahriibo Sacuudiga, waxase inta badan tahriibeyaasha lagu haystaa Yaman halkaas oo loogu gaysto kufsi iyo weliba ayadoo qaarkood laga qaato lacago ayna awoodi karin.


Doonta oo aad u liidatay waa saarnaa in ka badan 200 boqol sida ay sheegeen dadkii badbaaday.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.