X

Barlamaanka Somaliya oo ansixiyay xeer muddo horyaalay oo muhiima

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii 16aad kal-fadhigiisa 5aad ku yeesheen Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Golaha ee Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 154 xildhibaan, waxaana ay ansixiyeen Xeerka Batroolka dalka oo in muddo ah horyaalay golaha shacabka maantase la kala tuurey.


Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa codeyn gacan taag ah waxa ay ku ansixiyeen Xeerka Batroolka, 150 mudane ayaa ogolaatay ansixinta Xeerkaas, waxaana diiday 4 mudane, mana jirin wax ka aamusay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kadib bilaabay ka doodista sharciga musuqmaasuqa kaas oo berito la filayo in meel la saaro.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.