10/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Barlamaanka Somaliya oo war adag ka soo saaray shirkada Carabta ee Dubay World

Barlamaanka Somaliya ayaa war adag ka soo saaray shirkada Carabta ee Dubay World oo madaxoodu sheegay in dawlada dhexe ayna waxba ka khusayn oo meeshay rabaan heshiis la galayaan.



Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay heshiis shirkadu ku qaybsatey dekedda Berbera oo ay la saxiixatey Dawladda Itoobiya iyo maamulka soomaaliland oo xildhibaanada halkasina diideen.

Dood ka dib 168 Xildhibaan ayaa ansixiyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.



Xeerka ayaa lagu sheegay in shirkadan Carabtu ku xadgudubtey madax banaanida dalka melena uga dhacdey isku duubnida ummada Somaliyeed si kibirsan u baalmartey halka saxda.

Somalida ayaa Imaaraadka geliyay malaayiin doolar ayagoo wax ka soo iibsada halka Imaaraadku waxba ka iibsan Somaliya hadana rabo kheyraadkooda.

Waxaa kaloo xeerkan lagu xusay in marka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka uu Madaxweynaha ku meel marin doono xeer Madaxweyne, laguna soo saari doono faafinta rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka



Sidoo kale qodobada Xeerka ku jira ayaa ah kuwa calculus oo ay ka mid yihiin in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Go’aankas gaarsiiyo Madaxda Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Hoos ka akhri



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS