X

Barlamaanku hawshiisa ha qabsado hana la sugo go’aankooda doorasho

Barlamaanku waa sharci dejinta ugu saraysa dalka waxayna ka doodina ma meel mariyaan. Inkastoo ay fadhiidiin yihiin haddana iyaga maaha kuwa hawshood gudan waayay ee waa xukuumada markaas jirta iyo barnaamijyada ay ula tagto barlamaanka ayuu yiri Cali Calasow.


Xukuumada Xasan Cali waxay barlamaanka ula tagtey sharciga khaniisiinta oo la meelmarsaday sida ay sheetay Noorway oo Xasan Cali ka dhiibnaa.

Haddaba heshiiska maamul jufeedyada iyo dawlada dhexe ma noqon karo heshiis qaran ee waxa laga rabaa dawlada inay la timaad jadwal qeexan oo doorasho kadibna u gudbiso barlamaanka.


Qoraalkii xalay ka soo baxay maamul jufeedyada iyo madaxweynaha maaha mid qaran ee waa mid jufooyin gaara u xaglinaya waayo wuxuu meesha ka saaray guddigii doorashooyinka, kuna bedelayo mid maamul jufeed.

”Go’aanka barlamaanka waa kama dambeys ama waa diidi karaa ama ogolaan karaa wuxuna dalban karaa in heshiiska la saxo, lagana dhigo mid doorashadu gacanta u gelin maamul jufeedyada.


”Heshiis loo dhan yahay waayo qabiilada 4.5 oo dhan ma wada joogin goobta ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.