X

Caruur la soo afduubtey oo laga badbaadiyay koox takfiiriina

Waxa magaalada Cadaado la soo badbaadiyay caruur sideeda oo laga soo afduubtey Butlaan si loo baro gaaleynta Muslimiinta. Waxa la sheegay in kooxdan la wargeliyay laamaha amniga kadibna weerar lagu qaaday.


”Waa afduub nooc aan hore loo arag ayuu yiri Xirsi Tukaale oo ku nool Cadaado. Xogta caruurtan marhore ayay na soo gaartey ee waxaan si qarsoodiya u baadi goobaynay halka ay ku jiraa ama lagu hayo ayuu yiri gudoomiyaha Cadaado.


Caruurtan ayaa lagu wareejiyay aabahood oo aan arkin muddo laba sano ah. Caruurtan ayaa la barayay sida loo gaaleeyo Muslimiinta. Waxase la sheegay in caruurta hooyadood ka mid tahay ururkaan Takfiir ama gaaleynta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.