X

Beelaha BIYOMAAL oo cabasho u gudbiyay madaxweyne Farmaajo

Beelaha BIYOMAAL ee dega Koofurta Somaliya gaar ahaa shabeelooyinka iyo Jubooyinka ayaa cabasho u gudbiyay madaxweyne Farmaajo xilli beesha loo adeegsaday hubkii iyo ciidan lagu sheegay kii dalka.

Kadib Kulan si heer sare ah loo soo Agaasimay oo maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Waxgaradka iyo Duubabka dhaqanka Beelweynta Biyomaal ayaa waxa ay kaga hadleen Xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan xiisad Beeleedyada dib uga soo cusboonaaday Gobolkaasi.



Waxgaradka Beesha Biyomaal ayaa shaaca ka qaaday in Dano Siyaasadeed ay ka dambeyso dib u curashada Dagaalada Sokeeye ee dib uga curtay Shabeelaha Hoose.

Sidaas Daraadeed ayey ka codsadeen Dowladda Cusub ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ay wax ka qabato Xiisadahaasi Dagaal oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa Salka ku haya Arrimo Siyaasadeed.

Sidoo kale Waxgaradka Beesha Biyomaal oo soo hadal qaaday Arrimaha Abaaraha ee ka taagan deegaanada beeshaasi degto ayaa ku baaqay in dowladda Cusub ay il gaar ah ku heyso deegaanada Beesha Biyomaal oo Saameyn ba’an oo xagga abaaraha ah ay ka taagan yihiin.

Waxaana ay ka digeen in Madaxweynaha Farmaajo iyo dhammaan hay’adaha kale ee dowladda ay ka hadlaan arrimaha Beesha Biyomaal iyo deegaanadeeda dad aan Matalin ee uu horkacayo Suldaanka Beeshaasi ,Suldaan Ibraahim Cali Xaaji.



Odayaasha Kulankaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday in Afartii la soo dhaafay Beesha Biyomaal aysan Arkin wax dowlad ah haddii ay ahaan lahayd Dowladda Dhexe ee uu majaraha  u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maamul Goboleedka Koofur Galbeed oo uu hor boodo Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu dambeyn Duubabka dhaqanka Beesha Biyomaal ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maamulka Koofur Galbeed ay ku fashilmeen wax ka qabashada Dagaal Beeleedyada ku soo noq noqday Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo shaaca ka qaaday in dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ka rajeynayaan in ay ku guuleysato wax ka qabashada xiisadaha dagaal ee ka taagan Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaas oo u dhexeeya Labo Beel oo walaalo ah ee wada dega Gobolkaaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Marka ka dhacayay dagaal Beeleed u dhexeeyay Beelaha Biyomaal iyo Habar Gidir ee wada Dega Gobolka Shabeelaha Hoose.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.