X

Farmaajo oo Sucuudiga ka codsaday in uu Imaaraadka ka joojiyo saldhiga Berbera

Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagey Sucuudiga iyo cimrada ayaa laga soo xigtey ilo ku dhow in uu Sucuudiga ka codsaday in uu Imaaraadka ka joojiyo saldhiga Berbera.

Saldhiga Berbera ayaan ilaa hadda la garanayn cida saxiixdey ee lacagta ku qaadatey iyadoo ujeedadu tahay in dal Muslim ah lagaga duulo Somaliya oo aan ku jirin dagaal diimeedka u dhexeeya Carabta iyo Yaman oo fiqiira.



Warbixin lagu qorey wargeys Af-Carabi ah oo la yiraa Riyadh Post oo ka soo baxa dalkaasi Sucuudiga ayaa lagu qorey in codsigaas loo gudbiyay dhaxal sugaha dalkaasi ahna wasiirka difaaca lagana soo xigtey masuuliyiin ku dhow waftigii Farmaajo.

Madaxwyne Farmaajo oo la doortey bishan horaanteedii ayaan ka hadlin heshiis qarsoodiya oo sida la sheegay uu saxiixay Cumar C/rashiid oo taageero lacageed kaga raadinayay Imaaraadka iyo maamulka Siilaanyo.



Si kastaba ha ahaatee ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxweyne Farmaajo ayadoo Xasan Sheekh aanu ka hadlin cida saxiixdey iyo wuxuu ka ogyahay.

Haddii warkani run noqdo waxay muujinaysaa geesinimada dawlada Farmaajo uuna ku rabin in uu colaad qayb ka noqdo qaasatan u dhaxaysa Muslimiin inkastoo Sucuudigu diinta ka saaray Muslimiinta Iiraan.



Saldhigan ayaa noqon doona mid Carbeed oo Maraykanka iyo Yuhuuduna bixin doona hubka lagu weerarayo Yaman.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.