X

Beelaha Habar Cafaan (Samaroon) oo magtii ka qaatay ISAAQ

Kadib markii askar ISAAQA ay shirqool u dhigeen laba sarkaal oo ka tirsan askarta maamulka Somalilaan kuna dileen gobolka Sanaag laba sanno kahor ayaa maanta magtii ay ISAAQU bixiyeen. Sir looga hadlaayay is cafinta iyo mag qaadashada ayaa ka dhacay gobolka Sanaag.


Odayaasha beelaha Habar Cafaan ee sarkaalada laga diley ayaa qaatey mag guud ahaan gaadhaysa 200 oo geela oo u dhiganta 200 oo kun oo doolar. ”Waxaad hore nooga qabteen 20 kun oo doolar haddana waxaad naga gudoontaan intii hadhay ayuu yiri nabadoon u hadlay beesha ISAAQ ee dishay sarkaalada.


”Waxaan idinka dalbanaynaa inaa na cafisaan waxaanan idiinka mahad celinaynaa sida wanaagsan ee aad noo sharafteen ayuu raaciyay. Odayada Samaroon ayaa iyaguna ka mahadceliyay sida wanaagsan ee arintan lagu dhameeyay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.