X

Sixir bararka ka jira Somaliya guud ahaan oo sii kordhaya sanadkan

Waxa sanadakan la filayaa in sixir bararku sii kordho ama uu joogo halka hadda uu joogo qaasatan wax kala iibsiga iyo maciishada daruuriga ah sida bariiska, baastada iyo galayda. Waxa sabab looga dhigey in abaaro ku dhifteen dalalka iyagu wax soo saara.


”Sanadkii ina soo dhaafay wadamada aadka u dhoofiya maciishada daruuriga sida Baraaziil, Kanada iyo Maraykanka ma helin wax soo saar fiican oo u soo go’a roob yaraan awgeed iyo weliba duriga Karoona.


Ruushka oo lagu yaqaan inuu hadda safka hore kaga jro wadamada dhoofiya qamadiga ayaa isaga laftiisa uu ka jiraa sixir barar xun iyo wax soo saar fashilmay sanadkii tagay, inkastoo Yukarayn oo wadamo wax ka iibsadaan ay iyaga u soo go’een cunto fiican.



Isku soo duuboo Somaliya oo burbursan oo aan awoodi akrin inay kordhiso wax soo saarkeeda ayaa iyadu ku xiran waxa dibedda laga keeno.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.