15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Beelihii isku dagaalay duleedka Kismaayo oo nabad qaatay

Dhawaan ayay ahayd markii beelaha Majeerteen iyo Cawramale ay isku dileen duleedka Kismaayo oo oodwadaag yihiin. Beelaha Cawramale ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu soo hubeeyay beesha Majeerteen ayadoo ujeedadu tahay inuu beesha Ka sifeeyo gobolka.



Waxase ku baxay labada beelood odayaal iyo culimo oo u sheegay in dagaal faaiido laga gaadhin.

Waxa labada dhinac Iska dileen dhalinyar gaadhaysa 100 halka qoysas aan waxba haysana ay ka barakaceen. Kulan maanta Ka dhacay Kismaayo ayaa odayada labada dhinacna Ku qaateen nabad ayadoo mid Ka mida beeluhu fidisay gogosha.



Nabadoon C/llaahi Bile Siciid iyo Suldaan Xasan Sheekh ayaa labaduba balan qaaday inay nabada qaateen, qoys kastana uu ku noqdo halkii uu deganaa. Waxana loo balamay in gacan qaadka Kismaayo la geeyo goobta dagaalku ka dhacay ee duleedka magaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS