X

Beesha dhexe oo gaartey heer ay Saylac ku caleemo saarto nin iyaga u dhashay arag sida wax u dhaceen

Saylac–Beesha dhexe oo siyaasad cusub ka bilowday Saylac oo ay u aqoonsan yihiin in Ciise leeyahay kadib markii maanta ay nin u dhashay Hargeysa ku caleemo saartey magaalada. Ujeedada ayaa iska cad oo mid ay waligoodba ku taamayeen in aan iyaga iyo Ciise cidkale dhex degin.

Inkastoo caleemo saarkan in arkaayda ah aanay tagin maayerka iyo gudoomiyaha gobolka hadana waxa ka buuxay aqalka dad aan u dhalan gobolka.

Shalay ayay ahayd markii dhalinta Samaroon banaanbax dhigeen inkastoo ayna helin wax taageero oo uga timaada salaadiinta sheegata in ay matalaan dadkaasi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.