10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Beledweyne oo aad u qasan iyadoo shirkii maamul u samayntu istaagey iyo banaanbax weyn

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaalada uu ka socdo Banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan ganacsatada iyo sidoo kale bulshada kunool magaaladaas.

Banaan baxayaasha ayaa isku soo baxay bartamaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxayna kala la  yimaadaan afarta xaafadood ee Baledweyne.

Ujeeda Banaanbaxa ayaa ahaa sarifka lacagta dollarka oo sare u kacay iyo sicir barar ka jira magaalada Baledweyne.

Wararka ayaa sheegaya Boqolka Doolar ($100)  markii hore lagu kala sarifanaayay Magaalada 2400 Shilin Somali ah, halka hada uu maraayo 3600 oo Shilin Somali ,tasoo welwel iyo dhibaato u keentay bulshada kunool magalaadaas.

Dhawaan ayey ahayd  markii banaan baxyo ku aadan sare u kaca sarifka lacagta dollarka lagu qabtay magaalada Garoowe.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS