Dawladda Hoose ee magaaladda berbera, ayaa joojisay gebi ahaan qalitaanka Hilibka Geele iyo Lo’da, ka dib markii kawaanka gawraca xoolaha ee magaaladda berbera lagu qabtay xoolo aanay caafimaadkoodu wanaagsanayn, gaar ahaan neef geel ah oo ay sheegeen in ay markaasi doonayeen in la qalo.
Dawladda hoose ee magaaladda Berbera qaybteeda fayo dhawrka oo qoraal ku baahisay Facebook, ayaa sheegtay sababaha ay u joojiyeen qalintaanka Hilibka geela iyo lo’daba, waxaanuu u dhignaa sidan
“Fariin ku Socota Bulshada Berbera ”Saaka oo Jimce ah waxaanu guud ahaanba joojinay qalitaanka Geela iyo Lo’da lagu qalayo magaalada Berbera, sidoo kale waxaanu ilaa amar danbe aanu mamnuucnay in in Hilib geel lagu cuno magaalada, iyadoo shaqalaha dawlada hoose u qaabilsan Fayodhawrka guud ay hubinayaan Hoteelada cuntada kii lagu arkana lagala noqonayo Ruqsada ganacsiga.
Talabadan uu maamulka dawlada hoose qaaday ayaa ka danbaysay shalay subax markii aanu qabanay neef Geel ah oo la rabay in lagu qalo Xero dhiigta kaas oo cafimaad ahaan munaasib ahayn.
Waa marki labaad ee Kiis noocan aanu qabano iyadoo dadki falkaa ku kacayna sharciga lala tiigsan doono dhawaan insha allah.
Maxamede Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay