Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha shabakada caanka ah ee Facebook ahna bilyaneerka dunida ugu yar ayaa la isweydiiyay sababta keentay in uu maalinkasta ku lebbisto hal funaanad oo nooca qafiifka ah taasoo ah hal midab waliba oo uusan iska bedelin waxaana ay dadka fursad u heleen in ay weydiiyaan asigoo si toos ah ugu jira qadka Facebook asigoo uga jawaabay arrinkaasi.
Qof ayaa usoo qoray Mark sababta uu asigoo taajir weyn ah uu maalin kasta hal nooc oo funaanad ah u wato ? Balse Mark Zuckerberg ayaa yiri ”
Waa run waxaan qaataa hal funaanad oo aan waliba sanado badan ku labisanahay waana ku labisnaan doonaa noocaas oo wax kale oo iyada aan aheyn ma lihi sababtana waxey tahay inaan doonayn inaan waqti ku lumiyo dhar badan oo kala duwan oo aan ka fekeri lahaa sidaan iskugu qaadanayo iyo sidaan ugu soo baxayo taasoo aan u arko waqti lumis haatan funaanadan waa hal nooc iyada kaliya ayaa ii taal noocaas ayaana xertaa subax waliba si aan waqtigeyga kale oo aan labbis ku baxin lahaa ugu qabsado wax kale oo nafteyda ama nolosha umadda qiimo u leh.

Armaajada dharka Milkiilaha Facebook
Zuckerberg oo 32 jir ah ayaa funaanadda noocaan ah wata wata ilaa sanadkii 2004 oo aheyd markuu aas aasay bogga Facebook oo uu curiyay milkidiisana leeyahay. Waxaa uu bilyoonaarkan yahay nin jecel dabacsanaanta asigoo xataa ku socda kabo dacas ah kuna taga shirarka caalamiga ah.

Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay