X

Bixinta baasaboor Somaliga oo welli hakad ku jirta iyo waxa sababay

Bixinta baasaboor Somaliga ayaa welli hakad ka jirtaa. Waa mudadii ugu dheerayd ee baasaboorku uu maqnaado, waxana dawlada ka raacdey fadeexad weyn ayadoo dad badan ay ka soo gaartey dhibaato weyn.

Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay inaan la daabicin wax baasaboor ah, waxaana kordhay tirada dadka dalbanaya baasaboor ee maalin walbaa lagu balamiyo magaalada Muqdisho.


Waxaan ogaanay in shirkad lagu wareejiyay bixinta baasaboorada ay welli diyaar u ahayn soo saarista baasaboorada.

Dadka dhibaatada haysata waxaa ka mid ah dad u ambabixi lahaa arrimo caafimaad, qaar u bixi lahaa waxbarasho & kuwa ganacsi dalka dibadiisa u aadi lahaa, dadkaasi oo dhan waxa ay u xaniban yihiin Baasaboorka Somaliga.

Sawiro la qaaday xarunta Muqdisho ee baasaboorada ayaa muujinaya in culeys badan uu ka jiro xarunta, waxaana dadka loo qabtaa balamo ay adag tahay in loo fuliyo, maadaama rajo ay ku noolyihiin shaqaaluhu.


”Waa fadeexad weyn in dawlad dhan la waayo baasaboorkeeda, ilaa hadda kama hadlin madaxda qaranka oo iyagu ku dhib qabin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.