13/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Biyaha caageysan ee ganacsiga ee dalkaasi Hindiya oo lagu dhex arkay mas yar

Masuuliyiinta gobolka Chhattisgarh ee ku yaal bartamaha dalkaasi Hindiya ayaa lagu soo dhaweeyay caag biyo ku jiraan laakiin uu ku dhexjiro mas. Masuuliyiinta oo ka tirsanaa xisbiga dalka xukumo BJP ayaa amray in caagaasi biyaha qasacadaydsan ku jiraan laga saaro goobta. Waxa markiiba goobta yimi qolyaha amaankii oo caagii biyaha ahaa ee masku ku jiray goobta ka qaaday.

Maskan ayaan la sheegin in uu noolaa waxana lala yaabay in uu u adkaystay qasacadaynta ay soo martay caagaasi ninta ayna dibeda u soo bixin.

Shirkada biyaha ee samaysay ayaa iyadu ka xumaatay shilkan dhacay halka raiisal wasaaraha dalkaasi amrey in dhamaan biyaha shirkadaasi qasacadayso la iska baaro si ayna dadku wax ugu noqon.

Biyaha xareeda ee qasacadaysan ayaa dadku inta badan cabaan iyadoo dalkaasi ayna jirin biyo nadiifa maadaama Hindida ay caado u tahay in ay biyaha agtooda ku saxaroodaan badnida awgeed iyo iyadoo ayna jirin musqulo ku filan.

_85465572_snake[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM